- Home
- Our Community
- Community
- Community Connectors
- Xidhiidhiyayaasha Bulshada
Xidhiidhiyayaasha Bulshada
Isku xidhayaassha Bulshada waa Danjiriyaal jaaliyada Isbaanishka iyo soomaliyeed ee magaalada Hopkins kana caawiya magaalada inay fududeyso sidii ay u soo dhisi lahyd xidhiid dhexmara Bulshadaan.
Magaalada Hopkins waxaa dagan bulsho aad u kala duwan. Boqolkiiba 38% dadwaynaha ku nool magaaladan waxaa lagu tilmaamo dadka midabka leh. Boqolkiiba 21.6% dadkaas waxay guryahooda uga hadlaan afaf kale oo aan Ingiriis ahayn.
Xidhiidhiyayaasha Bulshada ayaa la heli karaa si ay u caawiyaan dadka aanan ku hadlin luqada Ingiriisiga si ay ugu xidhaan adeegyada badan ee laga heli karo magaalada.
Maxay Qabtaan Xidhiidhiyaasha Bulshada?
Dhammaan dadka deegaanka ayaa doonaya in ay sameeyaan dadaal meesha ay ku nool yihiin, iyo inay qayb buuxda ka noqdaan geedi-socodka, haddii la siiyo kheyraad ay wax ku fahmaan kuna xidhiidhaan.
Xidhiidhiyaasha Bulshada waxay sare u qaadaan codadka aan la matalin, waxayna dhisaan is aaminaad u dhaxaysa bulshadaan iyo maamulka magaalada. Jagooyinkaas waxay la kaashadaan magaalada si ay gacan uga geystaan ka qeybgalka, una wadaagaan dhaqaalaha iyo wax ka qabadka walaaca bulshada. Xidhiidhiyayaasha Bulshada waxay ku dadaalaan in ay noqdaan qof dadka deegaanka ay ku tiirsan yihiin, si kalsooni lehna ugu gudbin karaan arrimaha.
Shaqaalahan ayaa mushaar qaata:
- Waxay marti geliyaan kulamo si ay bulshada uga dhagaystaan arrimahooda iyo walaacyadooda.
- Waxay ku wargeliyaan magaalada go'aan ka gaarista mashaariic kala duwan, sida Qorshaha Waxqabadka Istaraatiijiga ee Sinnaanta.
- Waxay taageeraan helitaanka fursadaha ka qaybgalka bulshada iyo barnaamijyada Magaalada oo dhan oo mashaariicda ku saleysan.
- Waxay ka caawiyaan dadka degan inay booqdaan boggaga internetka, oo u ogolaadaan hababka iyo fududeynta fahamka khayraadka laga heli karo.
Yoolalka Xidhiidhiyaasha Bulshada
Waxa intaa dheer marka laga reebo shaqadooda maalinlaha ah, Xidhiidhiyayaasha Bulshada waxay ku dadaalaan in ay:
- In la dhiso xidhiidh adag oo dhexmara bulshada iyo dawladaha hoose
- In laga taakuleeyo dhisidda awood bulshooyinka aan la Matalin iyo caqabadaha ka horjooga ka qaybqaadashada iyo in la kordhiyo ka-qaybgal macno leh ee dadweynaha dhan u simanyihiin.
- Taageerida isbedelka dhaqanka ee ah ee sida ay Dawladda hoose ula hawlgasho bulshada xiliga go'aan gaarista.
- U adeegida sida buundo si wada hadalada u socdaan, horumarinta sinnaanta jinsiyadeed, kor u qaadista fikradaha, walaacyada, iyo riyooyinka xubnaha bulshada.
- U adeegida sidii cod lagu kalsoon yahay bulsho dhexdeeda loo gaari lahaa.
-
Abdullahi Kahiye
Somali Speaking Community ConnectorPhone: 952-254-2440